Tuesday, November 28, 2006

xuquuqda dumarka qaarna waa ha lagu tunto qaarna raaxeysta




waxaad bal akhristow isu eegtaa labadaas sawir kadibna waxaa kuu soo baxaya markaad si wanagsan uga fakirtid ihaanada iyo baabiiska iyo xuquuq duudsiga lagu hayo dadka qaarkii marka dad kalena ay ku jiraan raaxo adigoo markaad eegtid sawirada xamar laga soo qaadayo aad marmarka is leedahay dadkaani gawaarida ay wataan iyo raaxada ay ku jiraan shuyuukhda carabtu xataa kuma jirta.markaad xaga kale ee baaba iyo naxariis darada eegtidna waxaad is odhan wadankani aduunka kuma yaal ee waa meel caradii rabi ku dhacday oo dadkii habaar iyo cudur laayey, geedo qalalay iyo dad qalalay oo qaar gaajo dishay iyo qaar cuduro naafeyeen, marka sheekada nimanka horbooda maxaakimta ee cayr iyo markaad isu fiirsid ninka kale ee ka dhashay cidaha baahan ee abaarta iyo macaluusho laysay waxaa kugu soo dhacaya sheekadii


Charles Dickins ee ahayd "the Tale Of the Two cities". ilaahay dadkiisa ha u xaq sooro wax kale ee aynu nidhaahno ma jiraane.

No comments: