Friday, December 01, 2006

Siyaasada Cunaqabataynta iyo ulajeedooyinka laga leeyahay

waa la yaab in somalidu labo u kala baxaan qolo ku farxaysaa in cunaqabataynta la qaado iyo qolo ku faraxsan, somalidu waa ciyaal aan lahayn caqli ama feker ku saabsan habka dawladaha western ku ay isticmaalaan cunaqabataynta, marka hore bal aynu isla fahano sababta somalia looga fariistay iyo waxyaabaha iman kara A) cunuqabtaynta waa la adkeeyey sababta waxaa loo baahan yahay in la ogaado wax walba oo soo galaya somaliya ama ka baxaya, taas waxaa dhib ku qaba dadka baayacmushtarka ah iyo maraakiibta ama diyaaradaha keena badeecada wadanka , waxaa imanaysaa in baayacmushtarkii iska socday uu gaabsho waayo shariikaadka leh diyaaradaha ama maraakiibta waxaa loo geesaynaya macaamil xun oo la ogaado wax walba oo ay qabtaan taasina marka dambe waxay keenaysaa inay iskaba daayaan imaanshaha oo la macaamilka somalida. B) waxaa la iibinya hada habkii somaliya lagu weerari lahaa marka ugu horeyn waa cadayn la cadeyo in meesha khatar jirto in aduunka laga dhaadhiciyo mashkilada ay maxaakiimtu ku yihiin umadaha kale dehumanizing phase or demonising phase, in dhaqaale loo helo oo waliba lacag badan laga qaado cidii danaynaysa inaan xayiraada la qaadin,http://www.answers.com/topic/embargo ama eeg halkan dhibta embargo ka qabsan karta shacabka reer falastiinhttp://www.catdestroyshomes.org/article.php?id=528 .
maanta waxaa socda waa gogol dhigay in somalia laga dhigo meel baaba ah oo ka sii darta sida ay maanta tahay. marka waxaan qabaa inaan qolana u fahmin in xasaarka la adkaynayo ay faaiido ugu jirto. mowduuc kale ayey inala galaysaa marka aynu ka hadalo sida loo badbaadin karo umada laakiin hadaan soo gaabiyo waxaan qabaa in maxaakimtu ay yihiin cida ay maanta ku xidhantahay in somalia laga badbaadiyo mashkilad intaan ka weyn hadii alle idmo si gooni ah ayeynu taas uga hadli doonaa.

No comments: