Tuesday, November 07, 2006

asxaabul Yamiin Iyo asxaabul Shimaal




markaad isu eegtid labadan qolo waxaad dareemaysaa sida ay u kala gedisan yihiin diintana loo kala yaqaano qolo waa kooxda aynu ku tilmaanay asxaabul Yamiin oo qolada ilaahayna ku sheegay kutubkiisa waa nimankaas uu hogaanka u hayo Ina shiikh Muxuyadiin qolana waa kuwaa aynu ku tilmaanay asxaabul shimaal oo nimankas dhaca iyo boobka iyo diinta is barbar dhigay oo uu madaxda ka yahay daahir aweys oo aynu wada ognahay aqoontiisa diintu inta ay leégtahay.shalay waxaa hadlay asxaabul Yamiin iyagoo si aad macquul u ah oo diinta waafaqsan wax ugu sheegay kooxda boobka iyo dhaca waa hadii ay wax maqlayaan oo leeyihiin dareen wadan iyo dad, weynu ognahay in ilaahay inoo sheegay in nabiyadii oo dhami ay is weydiin jireen sababta dadka xun oo ilaahay ku caasiyey ay nolosha ugu baraaraan kuwa ilaahay raacsan oo wanaagsana ay dhib kala kulmaan nolosha, taasna ilaahay waa inoo sheegay oo waa sabirka dadka wanaagsan oo ilaahay eegayo iyo iyadoo kuwa xunxun loo sii balaariyo xumaha ay ku jiraan, kooxdaan asxaabul shimaal waxay haystaan oo boob ku haystaan dad guryihiis iyo dhulkoodii iyagoo saas ah ayey maalin walba ku sii darsadaan dhul dad leeyahay wali waana arintaa aynu sheegnay ee ah in camaldooda xunxun loo sii macaanaynayo si ay ugu tagaan oo iyagoo aan is ogayn berito ay ka war helaan noloshu halkaas bay idiinku egtahay.
bal waxaynu sugnaa halka ay ku dambayso xaalada boobka iyo dhaca loo badalay diin baanu wadanaa.. waa labo aan is raacin.

No comments: