Monday, November 06, 2006

Sawiradu macnaha ay bixiyaan



waxaa aynu ognahay in sawiradu ay yihiin muuqaal dhab ah oo ka turjuma waxa la sawiray hadaynu dadka soo qaadano tan markii ay ibnu aadamku bilaabeen inay gacanta wax ku sawiraan waxay muujinayeen dareenkooda iyo dareenka waxa ay sawirayaan aynu miisaal u soo qaadano sawirka caanka ku ah dunida ee sawir gacmeedka ah oo la yiraahdo "the screem" oo aad maalin dhaweyd ka maqlayseen in laga xaday museum yurubta ku yaal waxaa sawirkaas ka muuqda qof dhabanada haysta oo qaylinaya taaso ku tusaysa dareenka uu farshaxankaasi u yeelay ruuxaas, ulajeedaydu ma ahan the screem ee waxaa weeye Sawiro la xiriira siyaasada somalia waliba kuwa nimanka isku sheegay maxaakimta,waxaynu dhowr jeer oo hore aragnay sawiro ay meel wada joogaan shariif xasan(abgaal,Mudulood) iyo daahir aweys (cayr) waxaa sawiradaas inooga muuqda ahaano runtii ku wajahan shariif xasan oo aad garanaysid in daahir aweys ninkaan u dareemayo wiil yar oo aan wali socod baran oo isagu diirada u hayo, sawiradaas waxaad ka dheehan kartaa ama ka mid ah markii la furayey dekeda iyo marar kale oo badan oo aanan ku tirin karin, hadaba beryahan dambe hadii aad si fiican u fiirisid sawiradaas waxad garan kartaa in wax iska badaleen oo shariif xasan uu muuqdo nin doonaya inuu ka xoroobo awooda aan qarsoonayn ee daahir aweys uu la dul taaganyahay
waxaa kugu soo dhacaya kutubkii George Orwell ee "1984" The big Brother is watching.
hadaba akhristoow ishaa macalin ah aan ku soo gudbiyo halkan qaar ka mid ah sawiradii ugu dambeeyey ee labada maxaarim.

Fg Sababta ayeynu is weydiinay laga yaabo inay isu jir nacayaan!!!!! walaahay jawaabteedu waxay ku kooban tahay, Mudulood maxaa iyaga meel u yaal,nimankii sheegan jiray xamar waxaa ilaahay qadaray in xataa ninkii gudoomiyaha ka ahaa muqdisho Mr Cadde la waayo meel uu ka dhacay oo jaan iyo cirib dhigay...marka ihaanadu waa badantahay.

No comments: