Saturday, November 11, 2006

Idinkuna diintiina ayaad leedihiin anaguna taayada


Asalama Aleykum warahmatulaahi wabarakatihi wa bacda;

waxaynu dhamaan ka dheragsanahay waxyaabaha ka dhacaya Somalia oo maalinba meel maraya
waxaa Beryahan Dambe dhegaheena maqalkooda ku batay qolooyin la baxay maxaakim oo Xamar ka abuurmay kuwaaso ku saleysan qabiil kuna doodaya Diin, Qabiil ku dhaqankiis iyo Ilaah ka cabsi inaysan meel wada galin weynu ognahay, ilaahay subxaanuhu watacaala wuxuu leeyahay "waa Niman lumay kuwa ilaahooda ka dhigtay hawadooda". hadaba hadii maxkamuduhu ay ilaahooda ka dhigteen qabiil ayna sheeganyaan inay inala yihiin muslimiin maxaa inala gudboon inaga? waxaa Hubaal ah in habka ay ku socdaan khatar weyn ku yahay nabadgelyada somalia oo dhan sababta oo ah somalia waa dad 100% muslin sheegta waana dad caadifi u ah arimaha diinta una nugul in la galiyo dagaal iyadoo la adeegsanayo qaab diineed waana tan ay is fahansiiyeen kuwan xamar maxaakiimta la baxay, qofka somaliga ah ee lagu yiraahdo ama kitaabka qabso ama gaalka raac dabcan wuxuu oran doonaa kitaabkaan qabsaday isagoo aan is weydiin qofkan ku leh kitaabka qabso isagu kitaabka ma haysta mise wax kale ayaa u qarsoon.
hadaba markaan eegnay khatarta ka iman karta dacaayadaha iyo been abuurka diinta lagu qaraabanayo waxaa dadka somaliyeed ee gobolada kala gedisan degan la gudboon arimahan soo socda:
1) In Gobol walba ama deegaan walba ku dhawaaqo xisbi ama Urur ama Gudi islaami ah.
2)in Ururkaas ama gudigaasi la baxo magac ka fog "maxaakim" oo ay la baxaan sida
Ururka Puntland ee islaamiga ah, Gudiga islaamiga ah ee Somaliland, Xisbiga islaamiga ah ee magaalo Hebla iyo wax la mid ah.
3)in culimada diinta ee gobolada iyo magaalooyinku ay cadeeyaan in diinta ninba si u haysto oo aan toodu dhigayn boob,kufsi,dhac,ku dhaqmid hanti dad kale.eex.beerid xashiish iyo mukhaadaraad,dil iyo barokicis umad aan waxba galabsan iwm.
marka intaa la helo waxaa dhamaanaya doodii ahayd waxaan nahay muslimiin doonaysa inay diinta ku dhaqankeeda dadka gaarsiiso. hadii arimaha aan soo sheegay la waayo maxaakimtuna wataan doodooda ah waxaan nahay muslimiin diinta u jihaadaysa waxay halis weyn galin doonaan maamulada ka jira somalia sida puntland iyo somaliland , waxay ka hurin doonaan dagaalo lagu hoobto meel walba iyo magaalo kasta.
dadkuna waxay baraarugi doonaan goor xeero iyp fandhaal kala dhaceen markaas ayaa hadana waxaa bilaabmi doona dagaal cusub oo ka dhaxeeya firqaadka diinta sheeganaya iyadoo dagaalkaasi ku dhisnaan doono qabiil. mar labaad. waa cajiib marka somaliya waxay noqon doontaa meel dagaalo ka dhici doonaan 20 sanno ee soo socda

No comments: