Thursday, October 12, 2006

weeraro lala beegsaday Guriceel.

waxaad mooda reerka cayr inay ilaaween deegaankii ay ka yimadeen ee gurigeel kadib markii ay isa siiyeen dhul aysan lahayn Sida Marka iyo qaybo ka tirsan Xamar,maalmahaan waxaa aad usoo badanayey dagaalo hoose iyo qaraxyo,boob iyo nabadgelyo laƔan ku soo korortay deegaanka ay lahaansha u lahaayeen ee gurigeel, shalay oo ugu dambaysay waxaa qaraxyo lala beegsaday ceelal ,suuqyo yar yar iyo meelo dadku isugu yimaadaan ee tuulada guriceel ku yaal. waxaa hadaba isweydiin leh yaa ka dambeeya arimahaas iyaga oo aad isu soo taraya?ma waxaan oran karaa waa dhib timid ka dib burburkii isbahaysigii Kismaayo?mise waxaan oran karaa waa qalalaaso ay ka dambeeyaan reerka cayr ay walaalaha yihiin ee sacad oo iyagu indhawaalaba doonayey inay helaan kaalintii ay ku lahaayeen hawiye dhexdiisa iyo hormuudkii ay u ahaayeen? mise arintu waa mid labadaasba ka gedisan oo la xiriirta maxkamadaha kuwa sheegtay oo ay soo badanayso mucaaradka ka soo horjeedaa?waxaynu ognahay in dagaalo ka socdaan shabeelaha dhexe,Hiiraan,dhinaca Jubooyinka iyo xamar gudihiisa dagaaladaas oo looga soo horjeedo maxaakiimta>. bal akhristow arimahaas iyaga ah meesha aad ku xaglindoontid adiga ayaan kuu daynayaa.

No comments: