Wednesday, October 11, 2006

Qaxootiga Cusub



dagaaladii soomaaliya ka dhacay laga soo bilaabo 1991 waxay abuureen in qaxooti badan oo somaliyeed dibada wadanka uga baxaan,meelaha ay dadku u cararayeen waxaa ka mid ahaa Ethiopia,Kenya,Yemen iyo qaar carabaha aaday laakiin qaxida ugu weyne waxay ku aadanayd saddexdaas dal ee aynu soo sheegnay ethiopia,kenya iyo Yemen, dadka qaxayey waxay u badnaayeen dad ka soo cararay koofurta somaliya siiba muqdishu,kismaayo,merka,baraawe,jilib,jamame,shalambood,afgooye
iwm, dadka soo qaxayey waxay u badnaayeen dad aan ku abtirsan qabiilka hawiyaha oo isagu ahaa qabiilkii wax qaxinayey, dadka ugu badnaa ee qaxayey waxay ahaayeen daarood ha ku soo xigaan qabaailka kale ee somaliyeed oo iyana degaamadaas ka yimid, daaroodku waxay u badnaayeen xeryaha qaxootiga ee Kenya maadama ay ahaayeen "target"koowad ee xasuuqii hawiyuhu u geestay shacabka somaliyeed, ulajeedada qoralkaygu ma ahan qaxootigaas iyo wixii ay muteysteen laakin qasadka aan leeyahay waxaa weeye suaasha ah , maanta oo aynu ku jirna 2006 maxaa sababay in hawiye noqdo tirada ugu badan ee qaxootiga meel walba ee aad tagtid? hadaynu eegno dadkii ku waxyeeloobay badaha u dhaxeeya Libya iyo talyaaniga waxay u badnaayeen hawiye, dadka ku waxyeelooba badaha Yemen iyo somaliya u dhaxeeya waxay u badan yihiin hawiye,dadka maanta ku xeraysan xeryaha qaxootiga ee Kenya ama kuwa hada oo aynu joogno ku sii qamaamaya waa hawiye, marka maxaa sababay in dadkii lagu tirinayey inay iyagu masuul ka ahaayeen shacabkii somaliyeed ee wadanka ka baxay inay iyagii noqdaan dadka ugu badan maanta?aniga shakhsiyan ra'yagayga waxaan qabaa inay u sabab yihiin dhowr waxyaabood, marka horee hawiye dhexdiisii ayuu isa sii gumaaday oo intii tabarta yarayd ama laga adkaaday ayaa ka soo carartay wadankii, oo waxaynu oran karaa taasi waa hal booli ah nirig xalaal ah ma dhasho dhac iyo boob dad muslin aad ku sameysay faaiido aduun iyo aakhiro midna kuu noqon maayo, taas waa taas, tan kale waxay arkeen hawiyihii dadkii ay eryadeen oo dunida loo kala dhoofiyey oo qaarna yurub tagay qaarna north america,maadaama somalidu sida ay u dhan tahay ay qabto wadan ajnabi jacayl (inta runta ka ogaanayaan wey jecel yihiin) waxay is yiraahdeen war dadkii aad eryateen waaba baraareen oo dhulal nimco leh bay tageen(ilaah baa wax og,bal qurbe iyo naruuru!!!kala fogaa), tan saddexad oo ah qolyahan maxkamadaha isku tilmaamay laakiin aniga xagayga shayaadiinta ka ah, oo dad aad u badan oo hawiye ah ay ka soo carareen iyagoo ogsoon halka ay ku biyo shubandoonto oo ah khasaare ama ka weyn kuwii hore ama la mid ah.
saddexdaas arimooh ayan filaya inay haanga gooyeen hawiye oo uu markaaas bilaabay dhabihii ay mareen kuwii iyaga ka cararay inay maraan, ogoow waa jidkii qodaxa lahaaye. markaan sidaas leeyahay ma ahan inaan soo maray :),inkastoo aan runtii jeclaan lahaa inaan xogogaal u noqdo waxyaabihii dhacay, waayo anigu ma qariyeen wixii dhacay sida dadka qaarkiise waan soo bandhigi , wali intaan akhriyey websites somalida kuma arag qof si madax banaan uga sheekaynaya wixii dhacay, waliba waxaa la doonayey reerka daarood inay ka hadlaan waxyaabihii loo geestay, ma ahan calaacal ee waa taariikh, shalay wixii dhacay beri ayey toosiyaan wixii dhici lahaa marka aniga oo ah shakhsi daarood ah runtii uma arko in laga sheekeeyo dhibaatooyinkii dhacay, sida kufsiga dumarka lagula kacay, dilka caruurta iyo waayeelka, dhaca aan loo aabo yeelen, waayo waxaan arkay marar badan marka ay isu yimaadan dad daarood ah wey sheegaan oo ka sheekeeyaan laakiin somalida dhexdeeda ama caalimkaba kuma soo bandhigaan dhumucda ay leedahay dhibaatooyinkii soo maray ,waxaanan u arkaa khalad wey oo laga galay jiilasha soo koreeya ama kuwa iman doona......


Waa Nuradin

No comments: