Thursday, October 12, 2006

ma dhabaa in dhurwaa lagu daweynayo Yuusuf Indhacde?





waxaad Beryahan maqlayseen ninkii Yuusuf Indhacade oo xanuunsanaya, in la geeyey cusbatal ku yaal Dubai laakiin la garanwaayey wax haya isaguna uu ka sheeganayo hurdo laƔan aan caadi ahayn, isla hadal joogto ,iyadoo ay wax la hadlayaan mar kasta(ogoow waxaan waa waxa uu sheegay dhakhaatiirta,anagu ma sameyn oo ilaah baa nagu og)
waxaa hada inagu soo kordhay inuu u yeeray niman dhurwaayada xanaaneysta oo la yiri dhurwaayadaas waxaa lagu dabiibaa dadka jiniga qaba!!!! aniga waa markii iigu horeysay in dhurwaa jiniga lagu dabiibo, waxaan kaliya oo diiniyan u maqlay in hilibkiisu xalaal yahay oo la cuni karo inkastoo aanan awoodin inaan dhurwaa cunno.
koleey dhurwaagu waa xayawaan aragtidiisa wajigu aad u fool xuntahay mida kalana aad aan umaleynayo inuu u huuro badan yahay marka wey dhici kartaa inuu jjinka xiriir la leeyahay, maadama aynu islaan nahay waxaynu u rajeynaynaa ninkaa xanuunsan in ilaahay caafimaad sariic ah siiyo oo ka dulqaado dhibta haysata aaaamiin

No comments: