Tuesday, October 10, 2006

Hawiye Turub baray:-

Kismaayo maanta xaalada ka taagan waa xaaladihii ay soo martay mid la mid ah
waxay kaga gedisaan tahay oo kaliya magacyadii dadka isku haya ayaa is badalay
shalay markii USC ku duushay oo caydiid wato waxay isticmaalayeen Ina cumar Jees
oo aakhirkiisii aynu ognahay wuxuu ku dambeeyey, waxay kale oo hawiye istcimaaleen
mid la oran jiray mohamed Xaaji Aadan, magacu inuu sidaa ahaa baan filaya, waxay kale oo isticmaaleen Barre hiiraale, maanta waxay isticmaalayaan Xasan Turki, waxaad mooda in saddex qabiil ee daarood ugu waaweyn ay saddexdaba mar mid isticmaaleen, mar walbana waxaa diidmo kka la hor imanaya duruufta dhabta ah ee taal magaaladaas iyo dadka deegaanka , hadaynu maanta sida ay tahay eegno waxaa inoo soo baxaya in nidaamka hada laga yagleelay ee ay wataan maxkamadaha qabiilka huwan uusan noqon doonan mid sii jira laakiin uu yahay dagaal kale oo qabsada dadka deegaanka,barre hiiraale labo jeer ayuu khalad galay, waa marka ugu horeysa e waa aaminaada uu aaminay niman tuug ah oo la yeeshay mucaahado,bal car tuug kula heshii wax la soo dhacay!!!! ma suurtowdo, taasi waa tan hore hadana wuxuu khalad kale galay markuu ka baxay magaalada oo hadana yiri labo usbuuc kadib baan duulaan ku iman..lama fahmi karo qasadkaas, waxaan anigu u fasirtay inuu tabar daranaa oo is yiri meesha lagaaga tugtug roone ciidankaaga ha iska malgin ee soo tabaabushayso, laakiin taas suaaasha ka imanaysa ayaa waxay noqonaysaa, oo kismaayo xooga joogay ma mid cayr kaliya buu ahaa?meeh kiisii mise meesha wuu iska joogaye rag kale ayaa ka arinsanayey oo xoogeeda lahaa?wax iiga jawaaba waayey suaashaaas, bal waxaan usoo bandhigaya dadweyne inay bal ila dhirindhiriyaan.....hada maanta ciidankii Barre waxay yimaadeen beerxaano, suaasha aan is weydiinayaa waxaa weeye maanta barre ma wuxuu la mid yahay, moorgan oo meel fog kaga soo duulayey kismaayo isagoo aan haysan gurmad daba jooga oo hub iyo saanad iyo shidaal intaba laba dabo taagan? taas waxaan umaleynayaa inaysan ahayn sidii moorgan waayo mareexaan deegaanka uu dago waa laga heli karaa kaalmo joogta ah inkastoo wali dhulku kala fogyahay..
bal waxaynu eegnaa sida ay ku dambayso, inkastoo somalidu ku heesi jirtay ninkii dhoof ku yimid bay geeridu dhibaysaa hawiyana dhoof buu ku yahay kismaayo , marka waxaan sugnaaba waa sida xaal ku dambeeyo....

Waa geedi garaar iyo faaladiisii.

No comments: