Monday, December 04, 2006












adeer bal ii waran lacag maxaad inoo haysaa meesha la isa soo galyaye.waqtigu waa inagu yaryahay waa inaan diyaargarownaa


suaashaas iigu celi !! lacagta aan adiga kugu ogayn miyaad aniga i weydiisay,wixii aad ka heshay caanshuurihii biyomaalka waa anigii ku iri meel inoo dhig taas, wixii ka soo baxa geedihii aynu beernayna(xashiish buu ulajeeda) waa anigii ku iri qaarna cabdiqaasim sii isaga laftirkiisu waxbaan meel inoo dhigay buu lahaaye,ma aqaan inuu run sheegayo iyo inkale been baa ilaahay ku kharibay.marka lacagtii idinkaa noo haya anigu wixii aan hayey waxay ku baxeen dagaalkii aynu abgaalka la galnay waagii dhaweyd,lacag badan baa halkaas ku baxday, oo waliba murursade haduu inala dagaalami lahaamaanta waxba ma hayneen ee ilaah noo bajiyey.



adeer horta aniga dad badan baa igu xiran waa ogtahayoo colaadii aynu ka abuurnay sacad iyo saleebaan xoolo badan baa galay, walina saleebaankii waa gaajeysan yihiin oo waxba lalama gaari karo balaayada quulahoodii bay ku roonaayeen,waxna tari mahayaan oo hada cadaado baaba la isku haystaa ina qaybdiid inagu biyo keen. marka taladu idinka bay idiin taal bal inoo arimiya.










war heedhe sleeybaanka waaba laga daranyahay oo waxaan ka wiswisay kan shariifka sheegta oo nacaska abgaal la iskuma halayn karo, waxaan ku fakarayey inaan kan murursade ku badalo,halkaas ishaan ku hayaa.waa khatar ina dhex joogta shariifku sideedana aabahay baa ii sheegay inaanan abgaal waligay aaminin.


adeer waxaan lugaha la galay jini iyo jaan kan madaxa la'oo jiniqow maalin dhaweyd inaan dilo baaban damcay,hoostaas buu si xun iiga fiiriyaa waxaan umaleynaya inuu rabo inuu i dilo marka ninkaas sidee ka yeelnaa?








ukaadi aan kii cabdikaasim ahaa u yeeree beenlowga, intaas habar xun buu hoosta uga jira wuxu naf ma leh, adeer afkeen waa isu amaani kani waa waxmatare(abdikasiim buu sheegaya)..war cabdkaasim war bal kaalay ....




sheekadii abdikaasim baa soo galay.





asalama caleykum , war waa dufoobaye idinkuna ma dufowdeen, saaka markaan soo toosay waxaan u ekaaday dabagaale yaab baanu aragnay.



war anba cudurka waa kula qabaa oo waxaad i mooda in shimbiri i martay.gux gux gux hargabna waa ii weheliyaa gux gux gux , waxaas ka gudub ee maxaad war haysaa?bal iiga waran ninkii carbeed ee xoolaha inoo hayey (wuxuu xusay magac nin Masri ah oo la yiraahdo salim mardam beey).ninka ma la siku halayn karaa shoow xoogaga naga dhacee?

idiin waramay horta waxaan idin siin warbixin weyn waxaad moodaa in labadiinuba aad indho la'dihiin,horta xaalku meel fiican marimahayo, sacad waa cadow,mareexaan waa cadow,murursade waa cadow hawiye maanta reer ina bixinahaya ma jiro mid baynu ku dhaqdhaqaaqi karnaa sheekadaan diinta maalin dhow waa la isku fahmin,wax sii soconaya ma ahan waad ujeedaan waa hore baa qaar inaga tagay, kuwo badan sida majeerteen iyo isaaq waxay bilaabeen sheeko been ah oo teena ka sareysa oo waxay leeyihiin maxaakim baanu sameysanay, marka waxaan idiin sheegaya horta marka xamar inaan xaalad dagaal ka bauurno mar kale dan baa inoogu jirta sababtu waxaa weeye waxaan ogahay hadii maraykanku ogaado in arintu tahay dhexdeena waxaa loo macnayn civil war kadibna la inoo imanmaayo, laakiin waxaan ka fekerayey labadii aan is qabdsiin lahay, waxay igala badin weyday inaan abgaal iyo murursade isagu dhiibno hubka labadaas awoodood aan isku jabino dagaalkii mudug ee sacad iyo saleybaana aan soo celino.halkaas waa ila dhafi weyday sheekadu ee bal idinku fekerkiina ku darsada. xaalku waa xunyahay waqti ma haysano waqti majiro walaahay ma jiro ma jiro aaheey.....waxaan kale oo idiin shegayaa inaad ku khaldanteen arimihii kismaayo waxaa


la rabay in ninka ogaadeen aan loo dhiibin meeshaas,ninku waa nin ku adaga mabda iisa nin la aamini karo ma ahan,halkaas majeerteenka ayaan ku shukaansan lahayn wallee talo ban idin seegtay,ogadeen wadanka waxba kama ahan , war madaxaa i xanuunayee bal beri aan isu imaano.

madaxu haduu ku xanuunayo hoo xoogaa geedkii fiicnaa(xashiish buu u shiday).














xaax war hada xoogaa baan sidii hore dhaamaa oo xataa hada uma eki dabagaale..kkkkkkkkkkkkkkkkk walaalkay jira indhacade makhruun fiican baa tahay kkkkkkkkkk

No comments: