Tuesday, November 28, 2006

xuquuqda dumarka qaarna waa ha lagu tunto qaarna raaxeysta




waxaad bal akhristow isu eegtaa labadaas sawir kadibna waxaa kuu soo baxaya markaad si wanagsan uga fakirtid ihaanada iyo baabiiska iyo xuquuq duudsiga lagu hayo dadka qaarkii marka dad kalena ay ku jiraan raaxo adigoo markaad eegtid sawirada xamar laga soo qaadayo aad marmarka is leedahay dadkaani gawaarida ay wataan iyo raaxada ay ku jiraan shuyuukhda carabtu xataa kuma jirta.markaad xaga kale ee baaba iyo naxariis darada eegtidna waxaad is odhan wadankani aduunka kuma yaal ee waa meel caradii rabi ku dhacday oo dadkii habaar iyo cudur laayey, geedo qalalay iyo dad qalalay oo qaar gaajo dishay iyo qaar cuduro naafeyeen, marka sheekada nimanka horbooda maxaakimta ee cayr iyo markaad isu fiirsid ninka kale ee ka dhashay cidaha baahan ee abaarta iyo macaluusho laysay waxaa kugu soo dhacaya sheekadii


Charles Dickins ee ahayd "the Tale Of the Two cities". ilaahay dadkiisa ha u xaq sooro wax kale ee aynu nidhaahno ma jiraane.

Friday, November 17, 2006

Islaantaan kaliya baa dumarka somaliyeed maxkamaduhu ka ogolaadeen




Mid waan wax lala yaabo midna waa wax maxkamadaha lagu ayido, ogow inaad ayidid ma ahan inaad raacday macnaheeedu, mida aynu ku garab istaagayno waxaa weeye hadii ay jaadka mamnuuc ka dhigaan oo dabargooyaan wixii mukhaadaraad ah, mida la yaabka leh iyaduna waxaa weeye hadii maxkaamimtu dumarkii ku amreen inay noqdaan sidii lagu yiqiin dumarka muslimiinta ah maxay daahir aweys iyo shariif qol ula fariisteen xildhibaanadan iyadoo waliba


miiska ay fadhido laga arkayey kubabkeeda?

ma garankaro runtii anigu, laakiin dadku qaarba si bay wax kuugu sheegayaan ama u arkaan.adigu sidaad u aragtid bal noo sheeg.

Wednesday, November 15, 2006

xasuuq/Dabargoyn/genocide

CANADIAN NETWORK ON HUMAN RIGHTS IN SOMALIAPRESS RELEASE
Toronto, March 9, 199
Genocide!"We draw the attention of the World Community to the genocide being committed by the USC in Somalia. We draw the attention of the Canadians public to the systematic execution of thousands of innocent civilians for the simple reason that they belong to certain Tribes: Darod & Reer Mohamund Salah.Magnitude of the Genocide.Reports coming from Mombassa (Kenya) refugee camp paint horrible brutalities unprecedented in the history of Somalia. These reports are based on interviews with survivors of the genocide:1. In the 1st week of February, the U.S.C. rounded up, from Mogadishu,thousands of civilians, most of whom were professionals like doctors,Engineers, teachers, etc. and summarily executed them.2. Systematic gang rape on women3. The use of axes to execute the civilians4. forceful evictions of families from their homes5. Mass looting of the properties of the fleeing refugees.6. At the end of February, the U.S.C extended its brutal actions, to such towns as Afgoye, Merca, Brava, Jilib and Luuq Jelow where it waslearned that thousands more civilians were killed.7. On March 1st, U.S.C. Guerilla Forces entered Galgayo on a hit and run mission, thereby killing hundreds of elderly, women and children.8. The U.S.C. is also holding thousands more civilians as hostages.Some of the Victims In the Genocide:1. Prof. Ibrahim Abyan - Former president of the Somali National University2. Abdurahman Shiek Hassan (ISFIIL1TO) - Human rights Lawyer3. Hassan Hashi Fiqi . Lawyer/businessman4. Dr. Muhumed Mohamed Omer - Medical doctor5. Mohamed Gurey - Commercial pilot6. Nassir Abdullahi Jama - Commercial pilot7. Musa Yusef - Educator8. Prof. Abdulaziz Shiek Ismail9. Halima Ismail Qablan - Nurse10. Dr. Abdi Ahmed Tuuhe - U.N. Staff11. Abdullahi Haji Hashi Divie - businessman12. Bashir Mohamed Ali - Civil Servant13. Shiek Abdi Ciid - Community Leader14. Ahmed Jama Nur - Senior Somali Airlines official15. Bashir Mohamad Ali - Civil Servant16. Abdinoor Aden Mohamed - University StudentConsequences of the GenocideAs a result of these atrocities, about 700,000 to 1,000,000 civilians have fled from Mogadishu and its surrounding areas. The majority of these refugees are now in Kismayo, (pop. 160,000) near the border of Kenya. As Kismaayo is too small to contain this large scale influx of the people, the refugees are at the moment without the basic necessities of food and shelter. Some of them have already become so desperate that they are risking their lives and are crossing the ocean on unsafe, dingy boats. According to a CNN report of March 2, about 100 of these refugees have died in the sea when their boat sank near Mombassa.

xasuuq/Dabargoyn/genocide

CANADIAN NETWORK ON HUMAN RIGHTS IN SOMALIAPRESS RELEASE
Toronto, March 9, 199
Genocide!"We draw the attention of the World Community to the genocide being committed by the USC in Somalia. We draw the attention of the Canadians public to the systematic execution of thousands of innocent civilians for the simple reason that they belong to certain Tribes: Darod & Reer Mohamund Salah.Magnitude of the Genocide.Reports coming from Mombassa (Kenya) refugee camp paint horrible brutalities unprecedented in the history of Somalia. These reports are based on interviews with survivors of the genocide:1. In the 1st week of February, the U.S.C. rounded up, from Mogadishu,thousands of civilians, most of whom were professionals like doctors,Engineers, teachers, etc. and summarily executed them.2. Systematic gang rape on women3. The use of axes to execute the civilians4. forceful evictions of families from their homes5. Mass looting of the properties of the fleeing refugees.6. At the end of February, the U.S.C extended its brutal actions, to such towns as Afgoye, Merca, Brava, Jilib and Luuq Jelow where it waslearned that thousands more civilians were killed.7. On March 1st, U.S.C. Guerilla Forces entered Galgayo on a hit and run mission, thereby killing hundreds of elderly, women and children.8. The U.S.C. is also holding thousands more civilians as hostages.Some of the Victims In the Genocide:1. Prof. Ibrahim Abyan - Former president of the Somali National University2. Abdurahman Shiek Hassan (ISFIIL1TO) - Human rights Lawyer3. Hassan Hashi Fiqi . Lawyer/businessman4. Dr. Muhumed Mohamed Omer - Medical doctor5. Mohamed Gurey - Commercial pilot6. Nassir Abdullahi Jama - Commercial pilot7. Musa Yusef - Educator8. Prof. Abdulaziz Shiek Ismail9. Halima Ismail Qablan - Nurse10. Dr. Abdi Ahmed Tuuhe - U.N. Staff11. Abdullahi Haji Hashi Divie - businessman12. Bashir Mohamed Ali - Civil Servant13. Shiek Abdi Ciid - Community Leader14. Ahmed Jama Nur - Senior Somali Airlines official15. Bashir Mohamad Ali - Civil Servant16. Abdinoor Aden Mohamed - University StudentConsequences of the GenocideAs a result of these atrocities, about 700,000 to 1,000,000 civilians have fled from Mogadishu and its surrounding areas. The majority of these refugees are now in Kismayo, (pop. 160,000) near the border of Kenya. As Kismaayo is too small to contain this large scale influx of the people, the refugees are at the moment without the basic necessities of food and shelter. Some of them have already become so desperate that they are risking their lives and are crossing the ocean on unsafe, dingy boats. According to a CNN report of March 2, about 100 of these refugees have died in the sea when their boat sank near Mombassa.

Saturday, November 11, 2006

Idinkuna diintiina ayaad leedihiin anaguna taayada


Asalama Aleykum warahmatulaahi wabarakatihi wa bacda;

waxaynu dhamaan ka dheragsanahay waxyaabaha ka dhacaya Somalia oo maalinba meel maraya
waxaa Beryahan Dambe dhegaheena maqalkooda ku batay qolooyin la baxay maxaakim oo Xamar ka abuurmay kuwaaso ku saleysan qabiil kuna doodaya Diin, Qabiil ku dhaqankiis iyo Ilaah ka cabsi inaysan meel wada galin weynu ognahay, ilaahay subxaanuhu watacaala wuxuu leeyahay "waa Niman lumay kuwa ilaahooda ka dhigtay hawadooda". hadaba hadii maxkamuduhu ay ilaahooda ka dhigteen qabiil ayna sheeganyaan inay inala yihiin muslimiin maxaa inala gudboon inaga? waxaa Hubaal ah in habka ay ku socdaan khatar weyn ku yahay nabadgelyada somalia oo dhan sababta oo ah somalia waa dad 100% muslin sheegta waana dad caadifi u ah arimaha diinta una nugul in la galiyo dagaal iyadoo la adeegsanayo qaab diineed waana tan ay is fahansiiyeen kuwan xamar maxaakiimta la baxay, qofka somaliga ah ee lagu yiraahdo ama kitaabka qabso ama gaalka raac dabcan wuxuu oran doonaa kitaabkaan qabsaday isagoo aan is weydiin qofkan ku leh kitaabka qabso isagu kitaabka ma haysta mise wax kale ayaa u qarsoon.
hadaba markaan eegnay khatarta ka iman karta dacaayadaha iyo been abuurka diinta lagu qaraabanayo waxaa dadka somaliyeed ee gobolada kala gedisan degan la gudboon arimahan soo socda:
1) In Gobol walba ama deegaan walba ku dhawaaqo xisbi ama Urur ama Gudi islaami ah.
2)in Ururkaas ama gudigaasi la baxo magac ka fog "maxaakim" oo ay la baxaan sida
Ururka Puntland ee islaamiga ah, Gudiga islaamiga ah ee Somaliland, Xisbiga islaamiga ah ee magaalo Hebla iyo wax la mid ah.
3)in culimada diinta ee gobolada iyo magaalooyinku ay cadeeyaan in diinta ninba si u haysto oo aan toodu dhigayn boob,kufsi,dhac,ku dhaqmid hanti dad kale.eex.beerid xashiish iyo mukhaadaraad,dil iyo barokicis umad aan waxba galabsan iwm.
marka intaa la helo waxaa dhamaanaya doodii ahayd waxaan nahay muslimiin doonaysa inay diinta ku dhaqankeeda dadka gaarsiiso. hadii arimaha aan soo sheegay la waayo maxaakimtuna wataan doodooda ah waxaan nahay muslimiin diinta u jihaadaysa waxay halis weyn galin doonaan maamulada ka jira somalia sida puntland iyo somaliland , waxay ka hurin doonaan dagaalo lagu hoobto meel walba iyo magaalo kasta.
dadkuna waxay baraarugi doonaan goor xeero iyp fandhaal kala dhaceen markaas ayaa hadana waxaa bilaabmi doona dagaal cusub oo ka dhaxeeya firqaadka diinta sheeganaya iyadoo dagaalkaasi ku dhisnaan doono qabiil. mar labaad. waa cajiib marka somaliya waxay noqon doontaa meel dagaalo ka dhici doonaan 20 sanno ee soo socda

Tuesday, November 07, 2006

asxaabul Yamiin Iyo asxaabul Shimaal




markaad isu eegtid labadan qolo waxaad dareemaysaa sida ay u kala gedisan yihiin diintana loo kala yaqaano qolo waa kooxda aynu ku tilmaanay asxaabul Yamiin oo qolada ilaahayna ku sheegay kutubkiisa waa nimankaas uu hogaanka u hayo Ina shiikh Muxuyadiin qolana waa kuwaa aynu ku tilmaanay asxaabul shimaal oo nimankas dhaca iyo boobka iyo diinta is barbar dhigay oo uu madaxda ka yahay daahir aweys oo aynu wada ognahay aqoontiisa diintu inta ay leégtahay.shalay waxaa hadlay asxaabul Yamiin iyagoo si aad macquul u ah oo diinta waafaqsan wax ugu sheegay kooxda boobka iyo dhaca waa hadii ay wax maqlayaan oo leeyihiin dareen wadan iyo dad, weynu ognahay in ilaahay inoo sheegay in nabiyadii oo dhami ay is weydiin jireen sababta dadka xun oo ilaahay ku caasiyey ay nolosha ugu baraaraan kuwa ilaahay raacsan oo wanaagsana ay dhib kala kulmaan nolosha, taasna ilaahay waa inoo sheegay oo waa sabirka dadka wanaagsan oo ilaahay eegayo iyo iyadoo kuwa xunxun loo sii balaariyo xumaha ay ku jiraan, kooxdaan asxaabul shimaal waxay haystaan oo boob ku haystaan dad guryihiis iyo dhulkoodii iyagoo saas ah ayey maalin walba ku sii darsadaan dhul dad leeyahay wali waana arintaa aynu sheegnay ee ah in camaldooda xunxun loo sii macaanaynayo si ay ugu tagaan oo iyagoo aan is ogayn berito ay ka war helaan noloshu halkaas bay idiinku egtahay.
bal waxaynu sugnaa halka ay ku dambayso xaalada boobka iyo dhaca loo badalay diin baanu wadanaa.. waa labo aan is raacin.

Monday, November 06, 2006

Sawiradu macnaha ay bixiyaan



waxaa aynu ognahay in sawiradu ay yihiin muuqaal dhab ah oo ka turjuma waxa la sawiray hadaynu dadka soo qaadano tan markii ay ibnu aadamku bilaabeen inay gacanta wax ku sawiraan waxay muujinayeen dareenkooda iyo dareenka waxa ay sawirayaan aynu miisaal u soo qaadano sawirka caanka ku ah dunida ee sawir gacmeedka ah oo la yiraahdo "the screem" oo aad maalin dhaweyd ka maqlayseen in laga xaday museum yurubta ku yaal waxaa sawirkaas ka muuqda qof dhabanada haysta oo qaylinaya taaso ku tusaysa dareenka uu farshaxankaasi u yeelay ruuxaas, ulajeedaydu ma ahan the screem ee waxaa weeye Sawiro la xiriira siyaasada somalia waliba kuwa nimanka isku sheegay maxaakimta,waxaynu dhowr jeer oo hore aragnay sawiro ay meel wada joogaan shariif xasan(abgaal,Mudulood) iyo daahir aweys (cayr) waxaa sawiradaas inooga muuqda ahaano runtii ku wajahan shariif xasan oo aad garanaysid in daahir aweys ninkaan u dareemayo wiil yar oo aan wali socod baran oo isagu diirada u hayo, sawiradaas waxaad ka dheehan kartaa ama ka mid ah markii la furayey dekeda iyo marar kale oo badan oo aanan ku tirin karin, hadaba beryahan dambe hadii aad si fiican u fiirisid sawiradaas waxad garan kartaa in wax iska badaleen oo shariif xasan uu muuqdo nin doonaya inuu ka xoroobo awooda aan qarsoonayn ee daahir aweys uu la dul taaganyahay
waxaa kugu soo dhacaya kutubkii George Orwell ee "1984" The big Brother is watching.
hadaba akhristoow ishaa macalin ah aan ku soo gudbiyo halkan qaar ka mid ah sawiradii ugu dambeeyey ee labada maxaarim.

Fg Sababta ayeynu is weydiinay laga yaabo inay isu jir nacayaan!!!!! walaahay jawaabteedu waxay ku kooban tahay, Mudulood maxaa iyaga meel u yaal,nimankii sheegan jiray xamar waxaa ilaahay qadaray in xataa ninkii gudoomiyaha ka ahaa muqdisho Mr Cadde la waayo meel uu ka dhacay oo jaan iyo cirib dhigay...marka ihaanadu waa badantahay.

Sunday, November 05, 2006

war bal Ninkani siduu kuula egyahay? la hayste sax.....lol


walaahay wuxuu ninkani i xusuusiyaa beri ololihii Afsomaliga ayaan tuulo la yiraahdo Wargaab oo ku taal meel u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar oo webiga ku taal aan joogay waxaa tuulada oo jareer shiidle ay leeyihiin joogay labo eey marka maalmaha jimcaha iyo khamiista ayaan kaxaysan jiray eeydaas markaa maalin malmaha ka mid ah anigoo wata waran ayaan la kulmay baboons badan (daayeero) kadib eeydii ayaa dagaal ku qaaday kadibna daayeer weyn oo ah ninkii madaxda u ahaa daayeerada ayaa eeydii dagaal ku soo qaaday intii kale wey sii carareen isagii iyo anigii iyo eeydii ayaa isku soo haray geed yar buu fuulay markaasaan waranka hadba ku mudaa markuu adkaysan waayey ayuu soo degay kadibna eeydii baa qabatay oo midba meel ku dhagay wuxuu igu soo fiiriyey eegmo naxdin badan oo u eg mida uu shariifku leeyahay sawirkaas walaahay..
walaahay sidaan uga naxay daayeerkaas ayaan uga naxay maantana shariifka anigoo dareemaya inuu yahay ruux aan ku socon iraadadiisa ee aad moodid in nafi wado.
subxaanalah............ cajiib. bal muu digil iyo dhiriqhlihiisa iska ag joogo ???lol

Thursday, October 12, 2006

Xagee Ku dambeeyeen?


Waa arimaha sida xooliga ah somaliya uga dhacay,nimankii xamar ka qabqablayn jiray muddo faro badan xagee bay ku dambeeyeen? waxan maqalay in Suudi yalaxoow,bashiir raage iyo Beebe ay mar ku xirnaayeen wadanka Congo dabadedna ay Ugaandha soo galeen,waxaan kaloo maqlay in qanyare isagoo cago cad uu yimid Baydhabo oo waliba ay soo wariyeen dad xogogaal ah ninkaas qolalkii uu soo galo waa lala joogi waayey af qurun dartii (la garanmaayo in ay tahay xanuun caloosha ah mise wuusan ilkahaba iska cadayin?) ma naqaan ilaah baa naga og! hadaba nimankaas iyaga ah maxad xog ah oo ka haysaan meelaha ay ku kala dambeeyeen, waxaan anagu idiin balan qaadaynaa inaan idiin soo gudbin doono usbuuca dhow mid walba meesha uu joogo iyo waxa uu ku sugan yahay inshaálaah.....

ma dhabaa in dhurwaa lagu daweynayo Yuusuf Indhacde?





waxaad Beryahan maqlayseen ninkii Yuusuf Indhacade oo xanuunsanaya, in la geeyey cusbatal ku yaal Dubai laakiin la garanwaayey wax haya isaguna uu ka sheeganayo hurdo laáan aan caadi ahayn, isla hadal joogto ,iyadoo ay wax la hadlayaan mar kasta(ogoow waxaan waa waxa uu sheegay dhakhaatiirta,anagu ma sameyn oo ilaah baa nagu og)
waxaa hada inagu soo kordhay inuu u yeeray niman dhurwaayada xanaaneysta oo la yiri dhurwaayadaas waxaa lagu dabiibaa dadka jiniga qaba!!!! aniga waa markii iigu horeysay in dhurwaa jiniga lagu dabiibo, waxaan kaliya oo diiniyan u maqlay in hilibkiisu xalaal yahay oo la cuni karo inkastoo aanan awoodin inaan dhurwaa cunno.
koleey dhurwaagu waa xayawaan aragtidiisa wajigu aad u fool xuntahay mida kalana aad aan umaleynayo inuu u huuro badan yahay marka wey dhici kartaa inuu jjinka xiriir la leeyahay, maadama aynu islaan nahay waxaynu u rajeynaynaa ninkaa xanuunsan in ilaahay caafimaad sariic ah siiyo oo ka dulqaado dhibta haysata aaaamiin

weeraro lala beegsaday Guriceel.

waxaad mooda reerka cayr inay ilaaween deegaankii ay ka yimadeen ee gurigeel kadib markii ay isa siiyeen dhul aysan lahayn Sida Marka iyo qaybo ka tirsan Xamar,maalmahaan waxaa aad usoo badanayey dagaalo hoose iyo qaraxyo,boob iyo nabadgelyo laáan ku soo korortay deegaanka ay lahaansha u lahaayeen ee gurigeel, shalay oo ugu dambaysay waxaa qaraxyo lala beegsaday ceelal ,suuqyo yar yar iyo meelo dadku isugu yimaadaan ee tuulada guriceel ku yaal. waxaa hadaba isweydiin leh yaa ka dambeeya arimahaas iyaga oo aad isu soo taraya?ma waxaan oran karaa waa dhib timid ka dib burburkii isbahaysigii Kismaayo?mise waxaan oran karaa waa qalalaaso ay ka dambeeyaan reerka cayr ay walaalaha yihiin ee sacad oo iyagu indhawaalaba doonayey inay helaan kaalintii ay ku lahaayeen hawiye dhexdiisa iyo hormuudkii ay u ahaayeen? mise arintu waa mid labadaasba ka gedisan oo la xiriirta maxkamadaha kuwa sheegtay oo ay soo badanayso mucaaradka ka soo horjeedaa?waxaynu ognahay in dagaalo ka socdaan shabeelaha dhexe,Hiiraan,dhinaca Jubooyinka iyo xamar gudihiisa dagaaladaas oo looga soo horjeedo maxaakiimta>. bal akhristow arimahaas iyaga ah meesha aad ku xaglindoontid adiga ayaan kuu daynayaa.

Wednesday, October 11, 2006

Qaxootiga Cusub



dagaaladii soomaaliya ka dhacay laga soo bilaabo 1991 waxay abuureen in qaxooti badan oo somaliyeed dibada wadanka uga baxaan,meelaha ay dadku u cararayeen waxaa ka mid ahaa Ethiopia,Kenya,Yemen iyo qaar carabaha aaday laakiin qaxida ugu weyne waxay ku aadanayd saddexdaas dal ee aynu soo sheegnay ethiopia,kenya iyo Yemen, dadka qaxayey waxay u badnaayeen dad ka soo cararay koofurta somaliya siiba muqdishu,kismaayo,merka,baraawe,jilib,jamame,shalambood,afgooye
iwm, dadka soo qaxayey waxay u badnaayeen dad aan ku abtirsan qabiilka hawiyaha oo isagu ahaa qabiilkii wax qaxinayey, dadka ugu badnaa ee qaxayey waxay ahaayeen daarood ha ku soo xigaan qabaailka kale ee somaliyeed oo iyana degaamadaas ka yimid, daaroodku waxay u badnaayeen xeryaha qaxootiga ee Kenya maadama ay ahaayeen "target"koowad ee xasuuqii hawiyuhu u geestay shacabka somaliyeed, ulajeedada qoralkaygu ma ahan qaxootigaas iyo wixii ay muteysteen laakin qasadka aan leeyahay waxaa weeye suaasha ah , maanta oo aynu ku jirna 2006 maxaa sababay in hawiye noqdo tirada ugu badan ee qaxootiga meel walba ee aad tagtid? hadaynu eegno dadkii ku waxyeeloobay badaha u dhaxeeya Libya iyo talyaaniga waxay u badnaayeen hawiye, dadka ku waxyeelooba badaha Yemen iyo somaliya u dhaxeeya waxay u badan yihiin hawiye,dadka maanta ku xeraysan xeryaha qaxootiga ee Kenya ama kuwa hada oo aynu joogno ku sii qamaamaya waa hawiye, marka maxaa sababay in dadkii lagu tirinayey inay iyagu masuul ka ahaayeen shacabkii somaliyeed ee wadanka ka baxay inay iyagii noqdaan dadka ugu badan maanta?aniga shakhsiyan ra'yagayga waxaan qabaa inay u sabab yihiin dhowr waxyaabood, marka horee hawiye dhexdiisii ayuu isa sii gumaaday oo intii tabarta yarayd ama laga adkaaday ayaa ka soo carartay wadankii, oo waxaynu oran karaa taasi waa hal booli ah nirig xalaal ah ma dhasho dhac iyo boob dad muslin aad ku sameysay faaiido aduun iyo aakhiro midna kuu noqon maayo, taas waa taas, tan kale waxay arkeen hawiyihii dadkii ay eryadeen oo dunida loo kala dhoofiyey oo qaarna yurub tagay qaarna north america,maadaama somalidu sida ay u dhan tahay ay qabto wadan ajnabi jacayl (inta runta ka ogaanayaan wey jecel yihiin) waxay is yiraahdeen war dadkii aad eryateen waaba baraareen oo dhulal nimco leh bay tageen(ilaah baa wax og,bal qurbe iyo naruuru!!!kala fogaa), tan saddexad oo ah qolyahan maxkamadaha isku tilmaamay laakiin aniga xagayga shayaadiinta ka ah, oo dad aad u badan oo hawiye ah ay ka soo carareen iyagoo ogsoon halka ay ku biyo shubandoonto oo ah khasaare ama ka weyn kuwii hore ama la mid ah.
saddexdaas arimooh ayan filaya inay haanga gooyeen hawiye oo uu markaaas bilaabay dhabihii ay mareen kuwii iyaga ka cararay inay maraan, ogoow waa jidkii qodaxa lahaaye. markaan sidaas leeyahay ma ahan inaan soo maray :),inkastoo aan runtii jeclaan lahaa inaan xogogaal u noqdo waxyaabihii dhacay, waayo anigu ma qariyeen wixii dhacay sida dadka qaarkiise waan soo bandhigi , wali intaan akhriyey websites somalida kuma arag qof si madax banaan uga sheekaynaya wixii dhacay, waliba waxaa la doonayey reerka daarood inay ka hadlaan waxyaabihii loo geestay, ma ahan calaacal ee waa taariikh, shalay wixii dhacay beri ayey toosiyaan wixii dhici lahaa marka aniga oo ah shakhsi daarood ah runtii uma arko in laga sheekeeyo dhibaatooyinkii dhacay, sida kufsiga dumarka lagula kacay, dilka caruurta iyo waayeelka, dhaca aan loo aabo yeelen, waayo waxaan arkay marar badan marka ay isu yimaadan dad daarood ah wey sheegaan oo ka sheekeeyaan laakiin somalida dhexdeeda ama caalimkaba kuma soo bandhigaan dhumucda ay leedahay dhibaatooyinkii soo maray ,waxaanan u arkaa khalad wey oo laga galay jiilasha soo koreeya ama kuwa iman doona......


Waa Nuradin

Tuesday, October 10, 2006

Hawiye Turub baray:-

Kismaayo maanta xaalada ka taagan waa xaaladihii ay soo martay mid la mid ah
waxay kaga gedisaan tahay oo kaliya magacyadii dadka isku haya ayaa is badalay
shalay markii USC ku duushay oo caydiid wato waxay isticmaalayeen Ina cumar Jees
oo aakhirkiisii aynu ognahay wuxuu ku dambeeyey, waxay kale oo hawiye istcimaaleen
mid la oran jiray mohamed Xaaji Aadan, magacu inuu sidaa ahaa baan filaya, waxay kale oo isticmaaleen Barre hiiraale, maanta waxay isticmaalayaan Xasan Turki, waxaad mooda in saddex qabiil ee daarood ugu waaweyn ay saddexdaba mar mid isticmaaleen, mar walbana waxaa diidmo kka la hor imanaya duruufta dhabta ah ee taal magaaladaas iyo dadka deegaanka , hadaynu maanta sida ay tahay eegno waxaa inoo soo baxaya in nidaamka hada laga yagleelay ee ay wataan maxkamadaha qabiilka huwan uusan noqon doonan mid sii jira laakiin uu yahay dagaal kale oo qabsada dadka deegaanka,barre hiiraale labo jeer ayuu khalad galay, waa marka ugu horeysa e waa aaminaada uu aaminay niman tuug ah oo la yeeshay mucaahado,bal car tuug kula heshii wax la soo dhacay!!!! ma suurtowdo, taasi waa tan hore hadana wuxuu khalad kale galay markuu ka baxay magaalada oo hadana yiri labo usbuuc kadib baan duulaan ku iman..lama fahmi karo qasadkaas, waxaan anigu u fasirtay inuu tabar daranaa oo is yiri meesha lagaaga tugtug roone ciidankaaga ha iska malgin ee soo tabaabushayso, laakiin taas suaaasha ka imanaysa ayaa waxay noqonaysaa, oo kismaayo xooga joogay ma mid cayr kaliya buu ahaa?meeh kiisii mise meesha wuu iska joogaye rag kale ayaa ka arinsanayey oo xoogeeda lahaa?wax iiga jawaaba waayey suaashaaas, bal waxaan usoo bandhigaya dadweyne inay bal ila dhirindhiriyaan.....hada maanta ciidankii Barre waxay yimaadeen beerxaano, suaasha aan is weydiinayaa waxaa weeye maanta barre ma wuxuu la mid yahay, moorgan oo meel fog kaga soo duulayey kismaayo isagoo aan haysan gurmad daba jooga oo hub iyo saanad iyo shidaal intaba laba dabo taagan? taas waxaan umaleynayaa inaysan ahayn sidii moorgan waayo mareexaan deegaanka uu dago waa laga heli karaa kaalmo joogta ah inkastoo wali dhulku kala fogyahay..
bal waxaynu eegnaa sida ay ku dambayso, inkastoo somalidu ku heesi jirtay ninkii dhoof ku yimid bay geeridu dhibaysaa hawiyana dhoof buu ku yahay kismaayo , marka waxaan sugnaaba waa sida xaal ku dambeeyo....

Waa geedi garaar iyo faaladiisii.

Sunday, October 08, 2006

Somaliya sida wax u dhaceen oo kooban

6 years old child raped by USC
Rugta

sheekada dagaalada somaliya aan idiin guud maro
sida wax u dhaceen iyo sida maanta xaalku yahay,waa sheeko dhab ah oo qosol leh laakiin qosol waa siday u sameysmatay laakiin waxa yaabaha dhacay waa halaag. Horta wadanka waxaa haystay kaligii tashade,dadkii buu laayey oo xirxiray, kadibna waxaa asaasmay mucaaradfaro badan, aan ugu horeyno jabhadihii iyo siday ahaayeen, horta SSDF ayaa sameysmatay oo ay wataan Majerten -->Daarood , waxaa hogaaminayey Abdulahi Yusuf waxay ahayd jabhadii ugu horeysay marka iyada waxan u bixinaynaa geellaawe waxaa ku xigay SNM waxaan u bixinaynaa gaaloraac waxaa ugu dambeeyey USC waxaan u bixinaynaa kufsanaaye,
marka horta reerku meel buu deganaa laakiin nabad iyo wanag lama haysan naqna ma jirin dadkii qaarna kaligii tashade waa laayey qaarna waa xirxiray, waxaa soo hambaaburay geellaawe wuxuu u baxay dibada qaylo ayuu afka ku dhuftay isagoo u yeeraya gaaloraac iyo kufsanaaye oo leh war soo ordooy war ka soo carara tuuga ,war aan iska celino, gabayo ayuu daldalay geellaawe uu leeyahay gaaloraac adiga dadkaagii isaaq waa iska hurudaan waxaa kaa sii daran kufsanaaye oo aan waxba kala ogayn kursigii fiicnaa nin baa ku fariistay idinkuna dhulka baad sexataan war ka kaca waawareey, halkas buu la maray, wuxuusaN ogayn hadii gaaloraac iyo kufsanaaye soo kacaan waxa dhici doona alow yaa wax u sheega ...hahaha
waxaa soo oray gaaloraac markaasuu u yimid geellaawe waxayna ku heshiiyeen inay la wada dagaalamaan kaligii tashadihii, dagaalkii la wada qaad la turaanturee kaligii tashadihii laakiin wali xamar buu fadhiya marka sida kaliya oo loo kicin karaa waa in kufsanaaye si fiican loola hadlaa oo gabayo kale iyo gubaabo lagu shubaa,sidii baa la yelay, kufsanaaye waa kacay hubkuu qaatay wuxuu hilfaha u qaaday kaligii tashadihii isagoo kaashanaya somali inteedi kale oo dhan,ogow halganka USC waxaa ku jiray umada intii aan ahayn mareexaan, isku soo duub dibada ayaa la dhigay, laakiin mashkilada jirtaa waxaa weeye gabayadii kicinta iyo baraarujinta oo la faray kufsanaaye lagama masixin cajaladii wali waa ku duuban tahay, wuxuu kufsanaaye ku kacay wax ala wixii xumaa oo dhan shekadii uma qaadan wax badal ee wuxuu u qaatay maadama la i liidayey hadana aan helay naagihii daarood aleylehe aan ka fara qabsado, kufsanaaye hawshii kufsiga iyo dhaca iyo boobka ayuu heersare ka gaaray.gaaloraac markii xaalkii xoogaa u hagaagay oo uu dhulkii qabsaday isna wuxuu yiri " aleylehe maanta ayaan ka baxay gacantii muslinka war gaalkaygii ii raadiya oo isna wuxuu gashaday macatabsurwaal futada ku giigsana waa gashaday wuxuuna yiri anigu idin la jaal ma ahi waxaan ahay ina ibliis hahahaha, inta xaalkaasi dhacayo geellaawe wuxuu ka mid yahay kuwa la boobay oo la kufsaday,marka geellaawe meel cidla ah buu taagan yahay wuxuu leeyahay afkaygow yur anigaa iri kaca anigaa iri dagaalama, marka meelyar oo buur ah dhaladeed buu inta fuulay buu leeyahay " waryaaya ma ahayn sidaan sidan sheegayey, waa khalad sidAan ,saan ulama jeedin, war hawiyoow joojiya arintaan , war isaaqow wadanka ku soo laabta war waawareey, marka xoogaa kufsanaaye waana dhegaysanaya geellaawe xoogana waa ka shaki qabaa marka kufsanaaye labo wiil buu dhalay mid kufsigii buu aad u badiyey iyo dhacii midka kalana wuxuu yiri war ninyahow wax badan baan wax kufsanaye oo dhacnaye maan mahdiyaal noqono, wax walba marka aad heersare ka gaartid waa inaad derejo weyn magaceeda heshaa, marka labadii wiil oo kufsanaaye midkood wuxuu la baxay al shiikh al fanaan al digdigle al macawisle al gardhuub ala xamsa al shucaybe ibnul qaatil al kabiir, waa magac dheer kii kalana wuxuu yiri war ma anigaad hada shaarkaas ii soo xiratay wallee dhegtaan kaa go'in , waa la isku soo duufay, heestii reer xamarka maxay " hadeey labo dabaal isku duufto dariishada leen ka deyaa" waa la isku soo duufay, si kale kuma garatide dhulkaa la isla dhacay, geellaawe qayladiisi ugama darin oo al xamsa al qaatil al kabiir wuxuu yiri diin cusub baan idiin wadaa hawiyowmarka diintaas aynu ku dhaqano waa diin cusuboo caruurta laysoo caanaha kaa cabaysee, ar inteen u ciirsanaa, waa hees anigaa sameeyey :), geellaawe ha iska qayliyo ar sidaan ulama jeedin ar inaan idin kiciyo leen rabay ar cajaladii sideen u tirtiraa, yaa kaa yeelaa????? kufsanaaye wiilkiisii abu qaatil al kabiir baa hada xamar ka taliya geellaawe iyo kuwo ah hawiyihii dagaalkii xamar ku fakhriyey oo raadinaya meel dhaqaale ka soo galo baydhabo bay tageen abu qaatil al kabiir wuxuu rabaa inuu dagaal ku qaado, gaaloraac isagu xabsiyo buu sameystay uu qaxootiga naagaha iyo niman kaba ku faroxumeeyaan.